Friday, March 9, 2012

Puntland oo Badalaysa Lacagaha Hadda La Isticmaalo ee Shilin ...

Garoowe[RBC Radio] Dawladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay badel ku sameynayso lacagaha Shilin Soomaaliga ee hadda la isticmaalo taas badalkeedana ay keenayso lacago cusub,waxaana sidoo kale ay sheegtay in 50% canshuuraha Dawladdu ku qaadayso Doolar halka 50% kalena ku qaadi doonto Shilinka Soomaaliga.

Wasiirka Maaliyada Dawladda Puntland Faarax Cali Shire oo manta Saxaafadda Shir Jaraa?id ugu qabtay Xafiiskiisa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayuu ku sheegay in bishan March gudaheeda dalka la keeni doono lacag noocyo kala duwan oo dhanka qiimaha ah leh taas badalkeedana Suuqyada laga aruurin doono lacagaha hadda la isticmaalo.

Md Faarax Cali Shire ayaa xusay in go?aan ku gaareen in canshuuraha Dawladda Puntland 50% lagu qaadi doono Doolar halka 50% kalena laga dhigay Shilin Soomaali sidii horayba ahaan jirtay.

Hoos ka akhri Wareegtada Kasoo baxday Wasaaradda Maaliyada Dawladda Puntland

DAWLADDA PUNTLAND? EE SOOMAALIYA?? PUNTLAND??? STATE OF SOMALIA

????????????????? Wasaaradda Maaliyadda???Ministry of? Finance
????????????????????????????????
???????????????????????????? Xafiiska Wasiirka W/Maaliyadda

Ref: W/WM/DPL/244/2012??????????? Garowe, March, 8, 2012

WAREEGTO KU SAABSAN IN CASHUURTA DAWLADDA LAGU QAADO 50% DOOLAR 50% SH. SOOMAALI

Ku: Agaasimayaasha Guud? ee Wasaaradda Maaliyadda? Bosaso.
Ku: Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Puntland?Bosaso.
Ku: Agaasimaha Waaxda Furdooyinka ee W/Maaliyadda?Bosaso.
Ku: Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga ee W/Maaliyadda??Bosaso.
Ku: Xisaabiyeyaasha Gobolada ee W/Maaliyadda?????Rugtoda.
Ku: Hogaanka Ilaalinta Cashuuraha (Turbotaariyo)?Rugtoda.
Og: Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Asluubta ee Puntland??Garowe.
Og: Hantidhawrka Guud ee Dawladda Puntland???? Garowe.
Og: Xafiiska Madaxweynaha?Dawladda Puntland??Garowe.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Markuu Arkay??????? : Dastuurka Dawladda Puntland
Markuu Arkay??????? : Sarifka Doolarka oo Hoos u dhac ku yimid
Markuu Arkay??????? : Shillinka Soomliga oo yaraaday ayna keentay iyadoo?Aan muddo wax lacag Soomaali ah la soo daabicin
Markuu Arkay??????? : In Miisaniyada Dawladda ay ku saleysan tahay Sh.So
Markuu Arkay??????? : Baahida loo qabo in wax laga bedelo Lacagaha lagu?? qaado Cashuuraha Dawladda
Markuu Arkay??????? : Cabashada Ganacsatada iyo Dadweynaha
Markuu La-tashaday : Maasuuliyiinta ay arrintani khusayso

WAXAAN GO?AAMIYEY In Cashuurta Dawladda Boqolkiiba kontan (50%) lagu qaado Doolar. Boqolkiiba kontan ka kalena (50%) lagu qaado? Sh.Soomaali, ilaa amar dambe Dawladdu ka soo saarto, heerka qiimaha sarifka Cashuurta Dawladda lagu qabto waa sidiisii hore (Dollar Exchange Rate).

Haddaba, waxaa dhammaan Masuuliyiinta ay Wareegtani sida tooska iyo ogeysiinta ugu socoto lagu wargelinayaa in la hirgeliyo laga bilaabo 10, March, 2012.

Fullin wacan

Mr. Faarax Cali Jaamac
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda?

Ministry of Finance, Puntland Sate, Tel: 002525- 798500/797111 Fax: 846591 Website:http://finance.puntlandgovt.com

RBC Radio
Xafiiska Wararka
Garoowe

Source: http://www.raxanreeb.com/2012/03/puntland-oo-badalaysa-lacagaha-hadda-la-isticmaalo-ee-shilin-soomaaliga-ah-keensanaysana-lacago-cusub/

nascar news chardon high school shooting mark martin cleveland news daytona race the cutting edge indy 500

No comments:

Post a Comment

Note: Only a member of this blog may post a comment.